Uitvaart/Aasidda



Uitvaart ama Aasidda waa mashruuc ay SOMVAO diyaarisay. qof walba oo Soomaali ah isla markaana deggan waddankan Nederland mashruucan wuu iska diiwaan gelin karaa.


Muxuu yahay mashruucu?

Mashruucu waa tacaawun ama iskaalmeeysi la isaga kaashanayo aasidda qofkii geeriyooda. Ma ahan CAYMIS (Verzekering) laakiin wuxuu u shaqaynayaa sidii caymsi oo kale isla markaana la waafajiyay nidaamka ISLAAMKA. Qofka haduu mashruuca iska diiwaangeliyo wuxuu bixinayaa lacag joogta ah. Lacagta uu bxiinayo waxay ku xirantahay inuu QOYS yahay ama inuu qof keliya yahay. Qoyskaa ama qofkaa is diiwaangeliyay hadday geeri ku timaaddo waxaa laga aasayaa mashruuca iyadoo loo aasayo nidaamka ISLAAMKA.


Wixii faahfaahin ah la soo xiriir xafiiska SOMVAO, weydii Maxamde Khayre, Sheekh Ibrahim ama Shakuur Xalane. Taleefanku waa 020-6360794.